top of page

War-bixinta Kaqeybqaataha

Waxaa lagugu soo dhaweynayaa inaad ka qeybqaadato mashruuc cilmibaaris ah. Ka hor inta aadan goaansan inaad ka qeybqaadato iyo inaadan ka qeyb qaadan, waa muhiim inaad fahamto sababta cilmibaarista loo samaynaayo iyo waxa ay ku lug lahaan doonto. Fadlan qaado waqti aad ku aqrido xogtaan soo socota adigoo u aqrinaaya si taxadar leh.

Saamanta ay Saamaynta hijradu ku leedahay gudniinka dumarka gudaha Mareykanka 

Xogta oo loo soo uruuriyay si qeyb ka ah daraasadaan waa la isticmaali karaa qeyb ahaan iyo gebigeedaba ayadoo laga yaabo in loo adeegsanaayo qorida PhD, si kastaba ha ahaatee waqtina lama soo uruurin doono lamana shaacin doono macluumaad qof shakhsi ah lagu aqoonsan karo kan uu yahay.

 

Waa maxay ujeeddada mashruucaan cilmi barista laga leeyahay?

Daraasadaan cilmi barista waxaa lagu doonayaa in lagu qiimeeyo halista haatan socota iyo in lagu taageero sharuudaha adeegga taageerada ah ee dadka uu saameeyay gudniinka dumarka gudaha dalka Mareykanka. Daraasadaan waxaa loo qabanayaa si leh qeybo tiro yar ayadoo qeybta wax u sahminta daraasada laga heli karaayo onlayn bilo dhowr ah oo ka tirsan 2023. 

 

Maxaa uga qeyb qadaanaaya?

Daraasadaan waxaa lagu doonayaa in lagu helo afkaarta dumarka jira 18 sano ee kunool Mareykanka ee xiriirada isirka la leh koox gaar ah oo dalal ah oo gudniinka dumarka lagu yaqaano inuu ka dhaco. Dalalkaasi waxaa kujira Benin, Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe, Chad, Ivory Coast, Jabuuti, Masar, Eritrea, Itoobiya, Gambia, Ghana, Guinea, Guinea Bissau, Hindiya, Indonesia, Ciraaq, Iiraan, Kenya, Kuwait, Liberia, Malaysia, Maldives, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Cumaan, Pakistan, Sacuudi Carabiya, Senegal, Sierra Leone, Sri Lanka, Soomaaliya, Suudaan, Tanzania, Togo, Uganda, Isutaga Imaaraatka Carabta ama UAE, Yemen, iyo Zambia.

 

Waa maxay sababta aan uga qeyb qaadanaayo?

Ka qeyb qaadashada daraasadaan cilmi baaristu waxay faaiido u yeelan kartaa dad kale ayadoo la bixinaayo cilmi baaris intii hore ka xooggan oo ku saabsan halista socota iyo sharuudaha adeegga taageerada ah ee dadka uu saameeyay gudniinka dumarka gudaha dalka Mareykanka.

 

Miyay tahay inaan ka qeyb qaato?

Adiga ayay kugu xiran tahay inaad ka qeyb qaadato ama aad diido ka qeyb qaadashada mashruucaan cilmibaarista. Haddii aad goaansato inaad ka qeyb qaadato, waxaa lagu siin doonaa xaashida xogta oo uu la jiro ogeysiis ku saabsan asturnaanta xogta oo sharraxi doona sida macluumaadkaaga loo soo uruurin doono oo loo isticmaali doono. Waxaa sidoo kale lagaa codsan doonaa inaad bixiso ogolaansho aad uga qeyb qaadanayso. Haddii aad goaansato inaad ka qeyb qaadato, waxaad wali u madax bannaan tahay inaad ka baxdo waqtigii aad doonto adigoon sababayn. Tani waxay la macno tahay inaad oran karto inaadan dooneyn inaad qeyb ka ahaato daraasadaan markii aad doonto. Anagu kuma weydiin doono waxa aadan u dooneyn inaad kusii jirto ka qeyb qaadashada daraasada.

 

Maxaa igu dhici doona haddii aan ka qeyb qaato?

Haddii aad goaansato inaad ka qeyb qaadato cilmi baaristaan, waxaan kaa codsan doonaa inaad buuxiso daraasad gaaban oo aan magacaagu kujirin ama lagu xuseyn oo onlayn ah. Daraasadu ma qaadan doonto wax ka badan 15 daqiiqo buuxinteedu. Dhammaadka daraasada, waxaa lagu weydiin doonaa bal in aad dooneyso inaad ka qeyb qaadato wada hadal kooxeed ama dood wadaag. Haddii aad goaansato inaad ka qeyb qaadato dood wadaaga kooxda, waxaa lagugu casuumi karaa wadahadal onlayn ah oo qaadan doona 2 saacadood kaasoo u dhexeeya 8 ilaa 12 kaqeyb qaate gaar ahaana lagu qaban doono Zoom. 

 

Waa maxay faaiido darrooyinka dhici kara iyo halista ka qeyb qaadashada cilmi baarista kujirta?

Waanu garawsan nahay in wada hadalka ku saabsan gudniinka dumarka uu yahay xasaasi. Haddii aad u baahan tahay taageero adigoo ka hadlaya wax un lagu soo qaatay daraasada waxaanu kusiin doonaa wado aad u marto adeegyo taageero oo badan oo ay kujiraan taleefan, iimayl, ama koox taageero oo onlayn ah.

 

Xog caynkee ah oo igu saabsan ayaad uruurin doontaan?

Waxaan ku weydiin doonaa da’daada, isirkaaga, koodhka zip iyo aaraadaada ku saabsan nolosha Mareykanka. Waxaanu sidoo kale ku weydiin doonaa aaraadaada, fikradahaaga, iyo mahadhooyinkaaga ku saabsan gudniinka dumarka.

 

Miyaa wixii aan ka sheego mashruucaan cilmibaarista qarsoodi laga dhigi doonaa?

Kuma weydiin doono magacaaga ama wixii kale ee lagugu aqoonsan karo. Taa natiijadeeda ayaa ah in dhammaan jawaabahaaga dhammaantood ay yihiin kuwo magacaagu uusan kujirin. Tan ayaa macnaheedu yahay in qofna uusan ogaan doonin qofka aad tahay ama wixii aad sheegtay intii daraasada la waday.

 

Sideed u ilaalin doontaan xogta igu saabsan ee aad soo uruurisaan?

Waxaan u baahan nahay inaan xaqiijino inaad fahamto waxa ku dhici doona xogta kugu saabsan ee aan soo uruurino iyo waliba xaquuqdaada sharciga ah. Dukumiintigaan waxaa la jira Ogeysiis khuseeya Asturnaanta xogta oo gaar ah oo bixinaaya faahfaahino dheeraad ah, waxaadna ka heli kartaa halkaan. Xogtaada ayaa lasoo uruurin doonaa ayadoo la isticmaalayo barnaamij software ah oo sir ama qarsoodi ah waxaana lagu keydin doonaa jaamacadaha R drive-kooda. Tan ayaa la macno ah in xogtaadu aad u badbaadi doonto.

 

Xaquuqahaaga caadiga ah ee hoos imaanaya Sharciga Badbaadinta Macluumaadka iyo Xeerka Badbaadinta Macluumaadka ayaa khuseeya arrinkaas. Si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahan nahay inaan u maareyno diiwaanadaada siyaabo gaar ah oo loogu tala galay mashruuca cilmi baaristu inuu noqdo mid la isku hallayn karo. Arrinkaan ayaa macnehiisu yahay inaanaan [waligeen] awoodi doonin inaad aragto ama wax kabadasho xogta aan kaa hayno.

 

Waqti kasta daraasada cilmibaaristu waxay u hoggaansami doontaa Xeerarka Guud ee Badbaadinta Macluumaadka (GDPR, 2018) ee uu ansixiyay baarlammaanka reer Yurub ee EU 14 Abriil 2016 loona meel mariyay sidii sharci uu leeyahay UK asagoo dhaqangal noqday 25 Maajo 2018.

 

Maxaa ku dhici doona natiijooyinka mashruuca cilmibaarista?

Natiijooyinka mashruucaan cilmibaarista waxaa loo isticmaali doonaa qoritaanka teesaha PhD. Waxaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in laga qoro maqaalo la shaacin doono iyo waxyaabo lasoo bandhigaayo iyo ujeedooyin waxbarasho. Si kastaba ha ahaatee, maadaama xogtaada magacaaga aan lagu qoreyn laguguma aqoonsan karo qoraalladaa. Daraasada kadib, waxaa lagu weydiin doonaa inaad dooneyso inaad hesho nuqul ka mid ah natiijooyinka markii ay diyaar noqdaan. 

 

Maxaan yeelayaa haddii aan doonayo inaan ka qeyb qaato daraasada?

Haddii aad dooneyso inaad ka qeybqaadato, waxaad un sidaa uga jawaabeysaa suaasha 3aad ee daraasada. Suaasha 1 iyo 2 waxaa loogu tala galay in lagu xaqiijiyo inaad u hoggaansanto shardiga xulashada. Waxaa sidoo kale lagaa dalbi doonaa inaad buuxiso Foomka Ogolaanshaha Adigoo Xogogaal ah si aad u xulato xulashooyin badan oo cilmi baaris oo kala duduwan adigoo saxaya oo calaamad saaraya sanduuqyo. Tani waxay xaqiijin doontaa inaad fahamtay sida xogtaada looga shaqeyn doono, loo badbaadin doono, dibna loogu eegi doono ujeedooyin cilmi baaris dartood.

 

Yaa abaabulaya oo maalgalinaya mashruuca cilmibaarista?

Mashruucaan cilmibaarista waxaa qabanaya Sean Callaghan, oo asagu ah arday cilmibaaris wada oo ka tirsan Dugsida Culuumta Dembibaarista ee jaamacada University of Leicester. Sean wuxuu ka soo shaqeeyay in ka badan 30 sano mawduucyo xasaasi ah oo uu kujiro gudniinka dumarka. Waa Madaxa Cilmibaarista ee mashruuca Orchid Project wuxuuna aad uga soo shaqeeyay Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

 

Maxaa dhacaya haddii khalad yimaado?

Arrinkaasi oo ah mid aan loo badinayn inuu dhaco haddii dhib laguugu geysanaayo kaqeyb qaadashada mashruuca cilmibaarista, majirto qabanqaabo gaar ah oo ku saabsan magdhaw in arrinkaa laga bixiyo. Haddii dayacaad qofi sameeyay darteed dhib laguugu geysto, markaa waxaad u haysanaysaa sababo tillaabo sharci ah in la qaado laakiin waxaa laga yaabaa inay tahay inaad qarash ku bixiso tillaabada sharciga ah ee la qaadayo. Haddii aad walwal ka qabto wax un ku jira daraasadaan waxaa markaa lagu siin doonaa xulashada ah in laguu gudbiyo adeegyada taageerada ee khabiir kusugan Mareykanka, oo uu kujiro xiriir ah taleefan, iimayl ama inaad toos ugu tagto koox taageero. 

 

 

Yaa dib u eegid ku sameeyay mashruucaan cilmibaarista?

Mashruucaan cilmibaarista waxaa ansixiyay Guddiga Anshaxa Cilmibaarista ee jaamacada University of Leicester.

 

Xiriirka Xog Dheeraad ah

Si aad u hesho xog dheeraad ah oo ku saabsan mashruucaan cilmibaarista kala xiriir Sean Callaghan smc85@le.ac.uk.

 

Haddii aad qabto walaacyo ama suaalo ku saabsan sida loo sameeyay mashruuca cilmibaarista, fadlan kala xiriir Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Cilmibaarista ee Jaamacada ethics@le.ac.uk.

 

Haddii aad u baahan tahay xog badan oo ku saabsan badbaadinta macluumaadka ee GDPR, waxaad ka heli kartaa Adeegyada Caymiska Xogta ee Jaamacada ee Information Assurance Services: 

 

Information Assurance Services
University of Leicester
University Road
Leicester
LE1 7RH
T: +44 (0)116 229 7945
E: dpo@le.ac

W: https://www2.le.ac.uk/offices/ias

 

 

Waad ku mahadsan tahay ka qeybqaadashada

bottom of page