top of page

Ogeysiiska Asturnaanta ee Kaqeybqaateyaasha Cilmi-baarista

Ogeysiiskaan Asturnaanta xogta wuxuu bixinayaa xog ku saabsan sida jaamacada University of Leicester ay usoo uruurisoo una isticmaasho xogtaada shakhsiyeed markii aad ka qeyb qaadato mashaariicdaan cilmibaarista. 

 

Fadlan sidoo kale tixraac Xaashida Xogta Kaqeybqaataha ee lagu siiyay si aad u hesho faahfaahino dheeraad ah oo kusaabsan mashruuca cilmibaarista, xogta adiga kugu saabsan ee lasoo uruurin doono, iyo sida loo isticmaali doono.

Saamaynta aj hijradu ku leedahay gudniinka dhedigga ama dumarka gudaha dalka Mareykanka 

Jaamacada University of Leicester waxay caadiyan ahaan doontaa Soo Uruuriyaha Macluumaadka aad siinayso cilmibaaristaan. Arrinkaan ayaa macnihiisu yahay inaan masuul ka nahay ilaalinta xogtaada iyo in si habboon loo isticmaalo. Arrinkaan ayaa macnehiisu yahay in Jaamacadu ay samayn doonto goaanada kusaabsan sida macluumaadkaaga loo isticmaalo iyo sababaha loo adeegsan doono. Arrinka arrinkaan laga soo reebay ama laga soo istisnooday waa mashaariicda cilmibaarista ee loo dhan yahay, oo haddii arrinkaa uu ku khuseeyo waxaa lagugu soo wargalin doonaa Xaashida Xogta Kaqeybqaataha hayada ama hayadaha kale ee shirkada la yahay ee sidoo kale masuulka ka ahaan doona ilaalinta xogtaada. Waxaad ka heli kartaa xog intaa ka badan oo arrinkaa kusaabsan Adeegyada Caymiska Xogta ee Jaamacada ee Information Assurance Services:

 

Information Assurance Services
University of Leicester
University Road
Leicester
LE1 7RH
T: +44 (0)116 229 7945
E: ias@le.ac.uk

W: https://www2.le.ac.uk/offices/ias

 

Waa maxay sababta aan ugu baahan nahay macluumaadkaaga?

Cilmibaaristaan waxaa lagu doonayaa in lagu qiimeeyo halista socota iyo baahiyaha adeegga taageerada ee dadka uu saameeyay gudniinka dheddiga ama dumarka ee kunool Mareykanka. 

 

Sababta sharciga ah ee Jaamacada University of Leicester ay u uruurinayso macluumaadkaan waa: 

In xogta laga shaqeeyo oo la hebeeyo waxay muhiim u tahay qabashada hawl dan u ah dadweynaha sida cilmibaaris.

 

Haddii jaamacadu kuweydiiso macluumaad xasaasi ah sida qabiilkaaga, diintaada ama fikradaha aad aaminsan tahay, macluumaad khuseeya caafimaad, jaamacada University of Leicester waxay isticmaali doontaa macluumaadkaa sababtoo ah:

In laga shaqeeyo xogta oo la habeeyo waxay muhiim u tahay cilmibaarista iyo danta dadweynaha.

 

Waa noocee macluumaadka ay isticmaali doonto jaamacada University of Leicester? 

Waxaanu kuweydiin doonaa da’daada, qabiilkaaga, iyo koodhka zip iyo afkaartaada kusaabsan nolosha Mareykanka. Waxaanu sidoo kale kuweydiin doonaa aaraadaada, afkaartaada, iyo waayo aragnimadaada kusaabsan gudniinka dheddiga ama dumarka lagu sameeyo.

 

Yay jaamacada University of Leicester la wadaagi doontaa macluumaadkaaga?

Jawaabahaaga lagu samaynaayo daraasada waxaa lagu samayn doonaa SurveyMonkey ayadoo daraasadu u furan tahay kaqeybqaadasho. Markii la xiro daraasada jawaabahaaga waxaa loo gudbin doonaa jaamacada University of Leicester.  Kuma weydiin doono magacaaga ama wax kale oo lagugu aqoonsan karo. Taa natiijadeedu waa in dhammaan jawaabahaaga aan magacaagu la soconin. Arrinkaan ayaa macnahiisu yahay in qofna uusan garan doonin kan aad tahay ama wixii aad ku sheegtay daraasada gudaheeda.

 

Miyaa University of Leicester ay u gudbin doontaa macluumaadkeyga meel ka baxsan UK?

Maadaama daraasadaan lagu samaynaayo gudaha Mareykanka, macluumaadkaaga wuxuu kusugnaanayaa ugu horreyn Mareykanka gudihiisa halkaasi oo badbaadada macluumaadka sharuucdeedu ay ka duwan yihiin sharuucda badbaadada macluumaadka ee UK. Waxaanu xaqiijin doonaa in badbaadooyinka saxda ah ay jiraan si loo xaqiijiyo in loola tacaamulo macluumaadkaaga si badbaado leh oo qarsoodi ah.

 

Xaquuqahee ayaan leeyahay marka laga hadlaayo macluumaadkeyga ay hayso University of Leicester?

Xaquuqahaaga caadiga ah ee Sharciga Badbaadinta Macluumaadka iyo Xeerka Guud ee Badbaadinta Macluumaadka ayaa arrinkaas khuseeya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu u baahan nahay inaanu umaareyno diiwaanadaada siyaabo gaar ah si ay u noqdaan kuwo lagu tiirsanaan karo. Arrinkaan ayaa macnehiisu yahay inaadan [mar waliba] awoodi doonin inaan kuu ogolaano inaad aragto ama wax ka baddasho macluumaadka aanu kaa heyno.

 

Waxaad joojin kartaa inaad qeyb kasii ahaato mashruuca cilmibaarista waqtigii aad doonto adigoon sababayn laakiin waxaan sii hayn doonaa xogta kugu saabsan ee aad horay noo siisay waxaana sii wadi doonaa inaanu u sii isticmaalno xogtaa mashruuca cilmibaarista sida lagu sharraxay gudaha Xaashida Xogta Kaqeybqaataha.

 

Xagee University of Leicester kasoo heleysaa macluumaadkeyga?

Haddii aad dooneyso inaad ka qeyb qaadato cilmi baaristaan, waxaa lagaa codsan doonaa inaad buuxiso daraasad yar oo onlayn ah adigoon magacaaga sheegeyn ama kuqoreyn. 

 

Miyuu jiraa cawaaqib laga mudanaayo inaan la bixin macluumaadkii la codsaday?

Ma jiro cawaaqib laga mudanaayo inaan la siinin xog ama macluumaad cilmibaaristaan. Gebi ahaanteedba waa iskaa ama iskaa wax u qabso amaba khiyaari.

 

Miyay jiri doontaa goaan gaarid ootomaatik ah ayadoo la isticmaalayo macluumaadkayga?

Ma jiri doono isticmaalka goaan gaarid ootomaatik ah ayadoo la adeegsanayo awooda sharci ee xeerka UK ee Badbaadinta Macluumaadka iyo Asturnaanta.

 

Muddo intee dhan ayaa University of Leicester ay haysan doontaa macluumaadkayga?

Sida waafaqsan sharciga, waxaanu hayn doonaa macluumaadkaaga ilaa inta aanu u baahan nahay si aan awood ugu helno inaan fulino ujeedooyinkeena cilmibaarista. Waanu hayn doonaa macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed sida magacaaga iyo cinwaankaaga iimaylka ilaa aan ka dhammayno dhammaan tillaabooyinka la qaadayo ee shardiga nooga dhigaya inaan hayno macluumaadkaagaas, tusaale ahaan inaan kuu soo dirno nuqul ka mid ah natiijooyinka daraasada haddii aad soo codstay, intaasi kadibna waa la tiri doonaa macluumaadkaaga. Tani ma qaadan doonto waqti ka badan 24 bilood laga bilaabo markii daraasadu dhammaato. Waxaan hayn doonaa macluumaadkii magacaagu uusan ku xusnayn ee cilmibaarista ee aan helnay lix sano taasoo ay ugu wacan tahay siyaasada macluumaad haynta ee jaamacada.

 

Yaan la xiriiri karaa haddii aan walaac qabo?

Haddii aad qabto wax suaalo ah oo ku saabsan mashruuca cilmibaarista, fadlan la xiriir cilmibaareyaasha ugu horreynba.

 

Wixii xog ah oo dheeraad ah oo ku saabsan mashruucaan cilmibaarista fadlan kala soo xiriir Sean Callaghan smc85@le.ac.uk.

 

Haddii aad walwal ka qabto sida loo qabtay mashruuca cilmibaarista ah, fadlan kala xiriir Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa Cilmibaarista ee Jaamacada ethics@leicester.ac.uk

 

Madaxa Badbaadinta Macluumaadka ee jaamacada University of Leicester waa:

 

Madaxa Badbaadinta Macluumaadka 

University of Leicester, 

University Road, Leicester, LE1 7RH

0116 229 7640

DPO@le.ac.uk

 

Wixii faahfaahin ah oo dheeraad ah oo kusaabsan xogta amniga, fadlan kala xiriir kooxda Adeegyada Caymiska Xogta

bottom of page